Wiil Dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay Wiil Dhalinyaro ah oo Mooto Bajaajle ah ku dileen xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay aagga laga raaco gaadiidka aada Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo dadka degaanka ay tilmaameen xilliga dilka ay geysteen in goobta ay uga baxsadeen iyaga aanay ku jirin wax cabsi ah.

Ragg hubeysan ayaa qeybta sare ee jirkiisa waxa ay ka toogteen wiilkan Dhalinyarada ah, kadibna waxa ay ka qaateen telefoonkiisa gacanta iyo furaha Bajaajta.

“Walaal xalay cishaha kadib ayay aheyd, rag hubeysan ayaa dilay Wiil Dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj, kadib waxay ka qaateen telefoonkiisa iyo furaha Mootada, wallaahi magaranayo sababta, waan ka naxay dilkiisa.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka oo inoo waramay.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo aan si deg deg ah ugu bixin dilkan ayaa gaaray goobta, waxayna qaadeen meydka Marxuumka la dilay, iyaga oo intaasi kadib sameeyay baaritaano ku aadan dabagalka raggii dilka geystay, inkastoo aanay jirin cid falkan loo soo qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bartamihii bishan kulan uu la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka wuxuu ku goodiyay in xilka uu weyn doono Guddoomiyihii degmadiisa uu ka dhaco falal ka baxsan amniga, balse tan iyo xilligaas waxaa degmooyinka qaar ka dhacay qaraxyo iyo dilal, iyada oo aysan jirin talaabo jawaab ah oo la qaaday.

Xigasho: Radio Risaala