Weriyihii VOAda ee Muqdisho oo Geeriyooday

Wararka Maanta

Allaha U naxariistee waxaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, Wariyihii VOA ee magaalda Muqdisho Axmed Xasan Colaad oo xanuun deg deg ah uu lasoo dersay. Marxuum Colaad oo maalmihii dambe ka sheeganayay inuu ka xanuunsanayo qeybaha sare jirkiisa ayaa waxaa xalay saq dhexe ku soo booday xanuun deg deg ah, kadib qaar ka tirsan eheladiisa ayaa u qaaday Isbitaalka Ex Somali Germany oo hada loo yaqaano Kulmiye, kuna yaalla degmada Boondheere, halkaasi oo markii dambe uu ku geeryooday.

Axmed Allaha u raxmadee waxaa waxii ugu dambeyey ee Idaacadan uu soo direy ay aheyd Barnaamijka Faaqidaadda Todbaadka ee Jimcadii.

Marxuumka ayaa VOA lasoo shaqeeyey muddadii Laantani Afka Soomaliga ay soo jirtey oo uu wariye uga soo ahaa magaalada Muqdisho.

Marxuum Axmed ayaa ifka kaga tagay laba wiil iyo laba gabar, qaar ka tirsan dadka yaqaana Marxuumka ayaa sheegay inuu ahaa qof dabeecad ahaan wanaagsan. Alle ha u naxariisto Wariye Axmed Xasan Colaad, eheladii iyo intii uu ka tagayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.