Puntland Oo Shacabkeeda Ku Amartay In Aysan Xajka U Raacin Diyaarad Aan Maamulka U Fasixin

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland,Saalax Xabiib Jaamac ayaa dadweynaha reer Puntland amar ku siiyay in aysan xajka u raaci Karin, shirkad aanay u fasixin Wasaaradda Caddaaladda Puntland.

“Ummadda reer Puntland waxaan leeyahay Wasaaraddu ciddii ay idiin soo fasaxdo inaad raacdaan baad raacaysaan”,ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib Jaamac.

Dhinaca kale Wasiirka oo sii hadlayay ayaa dowladihii dalka soo maray ku eedeeyey in ay sameyn jireen musuq maasuq ku saabsan dhanka xajka,iyo in ay laaluush ka qaadan jireyn qaar ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha dalka ka howlgalla,waxa uuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay waxka qabato dhibaatadaas maadaama dowladan dhowr jeer ay ku celcelisay in ay la-dagaalameyso musuq maasuqa.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagnaa buuq ku saabsan diyaaradaha qaataya Soomaalida aadaysa Xajka, waxaana horey xujeyda Soomaaliyeed qaadi jiray kaliya Diyaaradaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines, waxaana muuqata in shirkado kale doonayaan in ay ku soo biiraan khadkaan daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed.