Wararkii ugu dambeeyey Khilaafka Barlamaanka

Wararka Maanta

Khilaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta ayaa sii jiitamaya, waxaana maanta la filayey inuu dib u furmo fadhiga Barlamaanka inkastoo warar aan helnay ay sheegayaan inuu baaqday fadhigii Barlamaanka.

Dhanka kale Beesha caalamka oo kulamo aan kala joogsi laheyn maalmahaan ku lahaa Muqdisho ayaa bilaabay waan waan lagu kala dhexgalaayo dhinacyada isdiidan.

Gudoomiye Jawaari ayaa goordhow magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo dhankiisa ku matalaya wada xaajoodka, gudiyo ka socda labada dhinac ayaa la filayaa in ay maanta kulmaan, waxaana arintu ayaa u muuqata mid dagan, inkastoo xukuumadda wado abaabul xildhibaanada iyo warbaahinta, iyadoo taageerayaasha Kheyre baahinayeen maalmihii lasoo dhaafay inuu iscasilaayo Jawaari taas oo beenowday. Dhanka kale garabka Jawaari ayaa ku adkeysanaya in sharciga lagu kala baxo.