Wararkii ugu dambeeyay Shirka #Dhuusamareeb4

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirka Wadatashiga ee maanta u furmay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay arrinta Somaliland oo ka mid ah saddexda qodob ee ugu weyn ee ka taagan is mari waaga doorashada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in shirka maanta uu diiradda ahaa arrinta Somaliland, iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada la hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi, laguna wargeliyay arrinta Somaliland inay ka soo heshiiyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayna wixii ay ka soo wada hadlaan u soo gudbiyaan shirka.

Inkastoo ajandayaasha shirka Dhuusamareeb uu qeyb ka yahay arrinta Somaliland, haddana ma jiro Mas’uul ku matalaya dhinacyada ka soo jeeda, waana taas xubnaha uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi inay ku tilmaamaan shirka mid aan loo dhammeyn.

Madaxda Heer Federaal, Heer Dowad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa mar kale caawa fiidkii ah shir labaad isugu yimid, iyadoo shirka caawa looga hadlayo qodobada kale oo ka ah kuwa ugu culus ee doodda adag ka taagan tahay.

Xigasho: Jowhar.com