War-Murtiyeed: Shirweynaha Dib-u-Hshiisiinta Galmudug

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

War-Murtiyeed

Shirweynaha Dib-u-Hshiisiinta Galmudug 16ka September 2019

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM,
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug iyo ergooyinkii shirka ka soo qeybgalay oo ay hoggaaminyaan duubaabka dhaqanka ee beelaha Galmudug, waxa ay si weyn ugu faraxsanyihiin in ay si habboon ugu qabsoommeen kulammadii hordhaca ahaa ee xallinta khilaafaadka (17kii August ilaa 4ta September 2019) iyo qabsoomidda Shirweynaha rasmiga ah ee Dib-u-Heshiisiinta Galmudug intii u dhaxeysay 5-16 September 2019ka.

Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug waxaa ka soo qeyb galay ergo matalaysey dadka reer Galmudug oo ka kala yimid dhammaan degaannada Galmudug ay ka koobantahay iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay tiradoodu gaareysey720 xubnood.

Ugu horayn, shirku wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinyaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dowrka weyn ee uu ka qaatay guud ahaan geedi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo gaarista shacabka Soomaaliyeed ee ku nool qeybaha kala duwan ee dalka taas oo horseeday wada hadallo bulsho oo mira dhal ah.
Waxaa sidoo kale shirwaynuhu ku bogaadinayaan Madaxweyanaha iyo Ra’iisul Wasaaraha go’aanka masiiriga oo ay ku gaareen in la badbaadiyo Dowlad Goboleedka Galmudug oo uu muddo dheer khilaafaad regaadiyay.

Shirku, wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre safaraddii uu ku soo maray degaannada Galmudug iyo

dadaalladii dib u heshiisiineed ee uu ka sameeyay degaannadaas oo ku soo gabagaboobay natiijooyin wax ku ool ah.

Shirku wuxuu sidaa si-lamida, bogaadinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug heshiiskii siyaasadeed ay galeen oo saldhigga u ahaa qaramaynta iyo isku dhafka ciidamada Galmudug, sugidda amniga Caasimadda Galmudug, qabashada shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo dib u dhiska Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirku wuxuu sidoo kale, bogaadinayaa Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug kaalinta mugga leh oo ay ka qaateen isu keenidda ergooyinka beelaha ku matalaya shirweynaha, sugidda amniga, daadihinta shirka iyo xaqiijinta qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhex jira reer Galmudug;

Ugu dambayn, shirku waxa uu uga mahadnaqayaa bulshada deegaanka Caasimadda Dhuusamareeb soo dhaweynta iyo martigelinta shirweynaha iyo sidii ay uga qeyb qateen qabanqaabada shirwenaha.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee shirweynaha:

  1. In la isu-keeno dhammaan beelaha wada dega Galmudug si loo sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dhexdooda;

  2. In leesla fahmo lana xalliyo khilaafaadka bulsho iyo siyaasadeed ee Galmudug aafeeyey;

  3. In Shirweynuhu abuuro jawi xasilloon oo lagu dhisi karo Galmudug cusub;
    Si loo gaaro ujeeddooyinkaas, waxaa hab-sami u socodka Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug loo agaasimay seddex qaybood oo ku astaysnaa yoolka Shirweynaha iyo qeybo dhextaal ah oo isugu jirey suugaan, muxaadaraad diini ah, doodo furan, falanqayn, su’aalo iyo jawaabo iyo soo jeedinno dhammaan kaabis u ahaa miro dhalka shirka. Seddexda qaybood waxay kala ahaayeen:-

B. Waxaa Shirweynaha laga soo jeediyay mawduucyo aasaas u ah gaarista dib-u-heshiisiin dhab ah iyo Galmudug la wada leeyahay. Qeybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran, waxaana soo jeediyey khabiirro ka socodey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xubnaha Guddiga.

  1. Xaaladda nabadeed iyo khilaafaad ee Galmudug maanta ku sugantahay;
  2. Ahmiyadda ay dib-u-heshiisinta bulshadeed u leedahay reer Galmudug;

  3. Dowrka hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ulimaa’udiinka, haweenka iyo dhalinyarada reer Galmudug ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo maamul dhisidda;

  4. Soo bandhigista khayraadka ay Galmudug leedahay;

  5. Waxyaabihii laga bartay dib-u-heshiisiinnadii lagu qabtay degaannada kala duwan ee dalka, guulihii iyo caqabadihii lagala kulay;

  6. Mira dhalka dadaallada hadda socda ee lagu sugayo amniga degaannada Galmudug;

  7. Casharradii laga bartay khilaafadkii hareeyay maamulkii Galmudug ee 2015kii la dhisay iyo sida ugu habboon ee hadda Galmudug cusub loo yagleeli karo si aysan mar kale u guuldarraysan;

T. Qeybta labaad waxay ahayd kulammo gaar-gaar ah ee lala yeeshay dhammaan beelaha reer Galmudug si loo dhagaysto tabashooyinkooda iyo talooyinkooda ku aaddan sidii looga heshiin lahaa khilaafaadka ka jira Galmudug iyo dib u dhiska Galmudugta cusub.

j. Qeybta seddexaad waxay ku saabsanayd falanqayn ku aaddan xal-u-helidda khilaafaadka iyo mushkiladaha ugu waawey ee Galmudug haysta iyo xog-ururin ay ergooyinka shirku ku lafo-gureen, isla markaana soo jeediyeen sidii xal waara loogu heli lahaa. Go’aannada Shirkweynaha

  1. Beelaha reer Galmudug waxay isla qaateen in si nabdoon oo shuruud la’aan ah ay u wada dhistaan Dowlad Goboleed loo dhanyahay;

  2. In dib-u-heshiisiinta Galmudug la sii xoojiyo lana gaarsiiyo ilaa heerka ugu hooseeya ee dagaannada Galmudug uuna dhaqanku dowr mug leh ka qaato;

  3. In Dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug noqotaa mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan, kalsooni buuxda lagu wada qabo, la wada leeyahay kuna dhisan shuruuc saldhig looga dhigay Shareecada Islaamka iyo Dastuurka dalka;

  4. In dowladdu agaasinto, fududaysana dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug loo dhanyahay si loo gaaro himilooyinka bulshada Galmudug;

  5. In khilaafaadka ka dhex jira bulshada Galmudug ee deegaan, hanti iyo dhiig la xiriirta, la ururiyo, talo laga bixiyo, xalkoodana ay la wareegaan dowladda cusub ee Galmudug loo dhisayo iyo dowladda federaalka;

  6. In odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug laga saxaa wixii khaladaad ah ee ka dhex jira;

  7. In Dowladda Fedraalka Soomaaliya samayso habraacyo iyo shuruudo adag oo loo maro soo xulista xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug iyo doorashooyinka Guddoonka Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo madaxweyne k/xigeenka

Baaqa Shirka

  1. Shirku wuxuu bulshada reer Galmudug ugu baaqayaa in ay colaadaha joojiyaan si loo helo bulsho wada jirta oo nabad ku wada nool;

  2. Shirku wuxuu ku baaqayaa in deg deg looga saaro degaannada Galmudug ee ay argagixisadu ku harsantahay

  3. In ay dowladdu hirgeliso waxyaabaha ka dhimman ballanqaadkeedii nabadaynta iyo dib u dhiska degaannada Galmudug;

  4. In dib-u-eegis lagu sameeyo hannaankii lagu soo dhisay Dowlad Goboleedkii Galmudug ee 2015kii; lana saxo wixii ka qaldamay

  5. In si deg deg ah Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo saaxibbada caalamka uga hawlgalaan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee degaannada Galmudug sida dekedda Hobyo, waddooyinka, garoommada diyaaradaha iyo goobaha adeegyada bulshada;

  6. Shirku wuxuu ku baaqayaa in ay hay’adaha DFS iyo kuwa caalamiga ah si deg deg degaannada Galmudug ula soo gaaran kaalmo beni’aadanimo;

  7. In si deg deg ah Dowladda Federaalka u soo dhisto Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug

Ugu danbayn, shirku wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in natoojooyinka laga gaaray qabashada Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmududg ay muhiim u yihiin soo af-jaridda colaadiihii iyo khalaafaadkii ka jirey reer Galmudug dhexdooda iyo kalsooni ku abuurista bulshada ku wada nool degaannada Galmudug.

DHAMMAAD