Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran

Wararka Maanta

FB_IMG_1488349573328

Waxaa saaka shacabka Magaalada Muqdisho ku waabariisteen wadooyin muhiim ah oo xiran, waxaana sabanta xirnaanshaha lagu sheegay in ay tahay  in kala fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya uu furo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta golaha shacabka horgeynaya Ra’iisulwasaaraaha magacaaban Xasan Cali Kheyre, wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Isgoysyada  Howlwadaag iyo Taraboonka.

Shacabka Muqdisho ayaa Saakay maalaaya lugahooda maadaam wadooyinka ay xiran yihiin.

Dowladii hore ayaa lagu eedeyn jiray in ay wadooyinka xirto, iyadoo dowlada cusub laga filayey in ay la timaado dhaqan ka badalan arinkaas.