Waa sidee maanta Xaalada magaalada Godinlabe?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta dagan jawiga magaalada Godinlabe oo ay shalay ku dagaalamay Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu sunno, waxaana barakacay dadkii daganaa magaaladaa, iyagoo inta badan u qax,ay degmada Cadaado.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray labada ciidan, isbitaalka Cadaado ayaa waxaa la geeyey 16 dhaawac ah, halka isbitaalada Dhuusomareeb iyo Guriceel la geeyey 14 kale, dhimashada inta la xaqiijiyey ciidanka Galmudug waa 3, halka Ahlu sunno ay ka dhinteen ilaa 5 askari.

Ahlu sunno ayaa waxa ay dagaalkii shalay ku weysay mid ka mid ah ragii ugu muhiimsanaa oo ahaa taliyaha ciidanka Ahlu sunno, lagu Magacaabi jiray Axmed Dheere waxaana shalay lagu aasay Magaalada Guriceel, waxaana sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay Madaxweyne ku xigeenkii Ahlu sunno Saadaq Sh. Yuusuf.

Godinlabe ayaa maanta labada ciidan waxa ay ka fadhiyaan labada dhinac, waxaana socda waan waan u dhaxeysay ciidamada Galmudug iyo Sarkaal lagu magacaabo C/qaadir Afweyne oo wata maleeshiyo dagaalka bilaabay oo Ahlu sunno u soo hiilisay, Sarkaalkan ayey suurta gal tahay inuu isku soo dhiibo ciidamada Galmudug.

Comments are closed.