Wararka aan ka heleyno Deegaanka Kalabeyr duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeyo Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolkaas Cali Muxumed Caraalle.
laba dhican ayaa isku haysta maamulka Bar kontorool oo ku taala halkaas oo lacag looga qaado gaadiidka u kala goosha gobolada Koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya. dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhintay Taliyahii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashanle dhaxe Maxamed Macoow Xalane, Sidoo kale Dagaalka ayaa waxaa ku dhawacmay Taliye ku Xigeenkii Saldhiga Booliska Baladweyne Bashiir Cadaane.
Arrinta gobolka Hiiraan ayaa cakirneyd kadib markii uu Yuusuf Dabageed iska diiday xil ka qaadis uu sameeyey madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare.
Xaalada deegaanka kala Beyr ee duleedka Magaalada Baladweyne uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay tahay mid kacsan,halkaasi oo laga maqlayo dhawqa rasaas xoogan.