Taliye ku xigeen Villa Somalia oo lagu dilay gudaha Madaxtoyada (Sawirro)

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhow Xarunta Madaxtooyada dhexdeeda lagu dilay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Gashaanle sare Cabdi Cabdulle Qoorgaab.

Sarkaalkan, ayaa waxaa dilay askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, iyadoo laba askari oo kalana uu goobtaasi ku dhaawacay. Askarta dhaawaca ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay la jooggeen Sarkaalka la dilay.

Ilo wareedyo, ayaa sheegay in askariga falkaasi gaystay uu durbaba ka baxsaday Xarunta Madaxtooyada.

Ciidanka Ilaalada Villa Somaliya, ayaa wada baaritaano ku aadan askarigaasi. Ma cadda waxa keenay dilka Qoorgaab.

15823491_1271747322886482_5681975887381937717_n 15747466_1271747349553146_8867803315934845187_n