Taliska qaybta 21aad oo ku guulaystay xalinta dagaal beeleedyo

Wararka Maanta

Taliska qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro colaad u dhaxeysay labo maleeshiyo beelood oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ku dhow degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Kulan ka dhacay degmada Matabaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad ciidanka xoogga dalka Jen. Mascuud Maxamed Warsame iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa looga hadlay sidii labada dhinac heshiiska u dhaqan gelin lahaayeen.

Saraakiisha uu hoggaaminayay Jen. Mascuud ayaa ugu baaqay odayaasha labada beelood inay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee abuuri kara xiisad colaadeed.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa la filayaa inay kala qaataan diyo, isla markaana ay xal ugu noqoto in si rasmi ah loo soo afjaro colaadii dhex martay.

Aragtidaada ka dhiibo