Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya dalka koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Koox burcad ah uu u dhashay dalkaas ay xalay weerareen goob Ganacsi oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaali ah,isla markaana ay ka geysteen dil iyo dhaawac.

Kooxda Burcada ah ayaa waxa ay dileen Muwaadin Soomaaliyeed halka mid kalena ay ku dhaawaceen Goobtooda Ganacsi oo ku taalla  degmada la yiraahdo Mamalodi ee Hoos tagta Magaalada Pretoria Ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa u sheegay Idaacadda Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay lagu Magacaabi jiray Yuusuf Sheekh Maxamed halka kooxda Burcad ah ay dhaawac culus u geysatay Wiil Magaciisa lagu soo koobay Cabduqaadir.

Kooxdii Burcada aheyd ee falkaasi geystay ayaa goobta isaga baxsatay,mana jirin cid isku-dayday inay soo qabato,waxaana dhaawaca Muwaadinka Soomaalida ah la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada degmada Mamalodi ee Hoos tagta Magaalada Pretoria si loogu daaweeyo.

24 Saacadood gudahood ayaa degmada Mamalodi ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed,waxaana habeen ka hor lagu dilay laba dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaasi Koonfur Afrika isla degmada Mamalodi.

Sanadkaan 2019 ayaa dalka Koonfur Afrika,waxaa kusoo badanaya dilalka loo geysanayo Soomaalida,waxaana dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ay kusoo aadayaan, iyada oo dalkaasi uu ku sugan yahay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.