Soo dhoweyntii Daahir Maxamuud Geelle Sagootin waa u ekayd!

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Aniga iyo Xasan Cali Geeseey ayaa Talaadadii shalay 9:00am waxa aan u tagnay Daahir Maxamuud Geelle oo xilkii wasiirnimo kategey maanta.

Waxa aan ugu tagnay qaybta hoyga u ah oo kudhextaal wasaaradda Warfaafinta, si wanaagsan ayuu noo soo dhoweeyey, maaddaama aan u tagnay isaga oo aan weli shaqada soo gelin waxa aan wada fariisanay qolkiisa fadhiga.

Lebbis aan Rasmi ahayn ayuu xirnaa, si kalsooni badan ku dheehan tahay ayuu wax badan oo kusaabsan Siyaasadda iyo saxaafadda noogu sheegay, hadallada wasiirka waxa aan ka fahmay qof ahaan in uu aad uga walaacsan yahay heerka ay wax marayaan iyo sida uu qof ahaan doonayo in xukuumaddu u shaqeyso.

Koobka haddii biyo lagu shubo oo uu nus yahay kawarrama haddii qof ku yiraahdo:-Nus ayuu dhaafi waayey! Qof kalana ku yiraahdo Nus ayuu soo gaaray?

Malaha waxa fiican in uu fiican qofka kuyiraahda waxa uu soo dhaafay Nus, Suldada ama dowladdu waxa ay jeceshahay qofka yiraahdo dowladduu howshii laga rabay Nus ayay qabatay balse ma jecla qofka yiraahda howshii laga rabay waxa ay soo dhaafi weysay Nus.

Su’aashaas ayuu ninba mar weydiiyey Xasan iyo Aniga, balse waxa naga yaabiyey sida uu u bayaamiyey mashaakilka iyo waxa taagan iyo sida xal kagaariddu u tahay gaabis, waxa uu nagala hadlay Wrabaahinta gaarka ah iyo waxa ay ugu fadhiso dhismaha dowladda Soomaaliyeed, waxa ay qaban karto iyo waxa warbaahinta dowladdu fuln karto base lagayaabo in ay ku adkaadaan warbaahinta madaxa bannaan.

Miis yar oo horyiil waxaa u saarnaa Nuqulka Buugga Fire and Fury oo Af carabi ku qoran, buuggaas waxaa qoray Michael Wolff, Fire and Fury waa Dab iyo Caro, taas ayaa aad iiga yaabisay, aniga oo dhiniciisa xigay ayaan soo qabtay buuggaas oo soo baxay 2018, markii uu arkay in aan isha la raacayo ayuu wax xoogaa faahfaahin iga siiyey, kaddibna waxa uu ku laabtay faahfaahin kusaabsan Warbaahinta iyo Siyaasadda.

Waxa uu nooga sheekeeyey Warbaahinta Dadweynaha (Public Broadcast) iyo sida aanay suuragalba u ahayn in maanta dowladdu Radio Muqdisho ama Telefeshinka u rogto Warbaahin guud xilliga lagu jiro iyo xaaadda.

Wax kale oo aad iiga yaabiyey qof ahaan ayuu nooga sheekeeyey waxaa kamid ahaa habka laga rabo qofka xukunka haya in uu u dhaqmo kaas oo ah iskuwad iyo isku hayn, waxa uu tusaale u soo qaatay Oday reer u ahaa Nabaddoon oo maalin soo istaagay in uusan nabaddoon u ahayn Jufo kamid ah Beesha sidaas awgeedna ay tahay in Jufadaasi iska tagto oo reerka kabaxdo, Qabiilkii ayaa fariistay oo iskudayey in ay Nabaddoonka qanciyaan una sheegaan in uu reerka isku hayo iskuna wado balse waa diiday, waxa uuna ku adkeystay in uusan marna Jufadaas u ahaan doonin Nabaddoon!

Odayaashii ayaa qaatay shir gaar ah waxa ayna go’aan ku gaareen in Nabaddoonka iyo Jufada uu diiddan yahay sinneyn haddii mid baxayana ay tahay in Nabaddoonku baxo maaddaama waxa xilka yimid ay isaga yihiin. Waa loo yeeray nabaddoonkii waxaana loo sheegay si wadajir ah in isaga xilka loo dhiibay iyada oo Jufada uu diiddan yahay ay beesha kamid tahay, sidaas awgeedna haddii uusan iskuwad iyo iskuhayn lahayn isaga xilkii laga qaaday oo ay tahay in uu raadsado cid uu qayb eryo qaybna nabaddoon u noqdo.

Halkaas markuu marsiinayo ayaa qof la ballansanaa u yimid, kaddibna inta istaagay oo nasoo dhoweeyey ayuu na macasalaameeyey.

Soo dhoweynta iyo hadalka Daahir Maxamuud Geelle waxa aan u fahamnay sagootin si aan u weydiinana waa garan weynay.

W/Q: Axmed Ciise Guutaale