Somaliland oo xirtay Kaniisadii laga furay Hargeysa

Wararka Maanta

Maamulka Somaliland ayaa albaabada isugu dhuftay Kaniisadii 28-kii bisha July ee sanadkan dib looga furay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, taasi oo la sheegay sida uu qorshuhu ahaa in ay ku cibaadeysan lahaayeen dadka aan muslimka aheyn.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta maaamulka Somaliland Sheekh C/laahi Axmed oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay go’aan ku gaartay in gabi ahaan ay albaabada u laabto Kaniisada 30 sano dib looga furay magaalada Hargeysa.

Sheekh C/laahi Axmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay haba yaraatee inaanay jirin wax heshiis ah oo Kaniisadaasi ku saabsan oo ay la galeen cid kale.

Waxa uu sheegay Somaliland iyada oo tixgelineysa talooyinka, baaqyadii ay soo jeediyeen culimada waa weyn, dhowreysana dareenka iyo hadalada uga imaanayay shacabka in ay sababtay in albaadabada ay isugu dhuftaan Kaniisada.

Culima’udiinkan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa soo saaray bayaan ka kooban 10 qodob, iyagoona sheegay inaanay bannaanayn in Kaniisad laga furo Degaanada Somaliland, taasi ayaana sababtay in Somaliland ay qaadatay go’aanka ay ku xirtay Kaniisadan.