Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay 3 wasiir, waxaana wasiiradan ka mid ah Saalax Axmed Jaamac inuu noqdo Wasiirka Dastuurka, Saalax ayaa horay u hayay xilka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa mid banaanaa, waxaa horay xilkaas isaga casilay C/casiis Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mr Warfaa ayaa buuxinaya booskii Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo bishii la soo dhaafay geeriyooday.
Kursiga Sadiiq Warfaa waxaa sidoo kale loolan adag u galay wiil uu abti u yahay Axmed Ducaale Xaaf, waxaana lagu magacaabaa Duuraan Faarax oo ah gacan yaraha Xaaf Ducaale. Mr. Xaaf ayaa dadaal badan u galay in wiilka uu abtiga u yahay la siiyo kursigaas.
Dhammaan xubnahaan la magacaabay ayaa ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana muuqata in Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre sii adkeyno difaaciisa in lala xisaabtamo.