Ciidamada Amniga maamulka Puntland syaa magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ku xiray Xabsiga Siyaasi Muuse Cali Jaamac. Siyaasigan iyo waxgarad kale ayaa dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo xukuumadiisa.
Muuse Cali Jaamac ayaa 13 October 2019 sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray, hayeeshee saddex Cisho kadib lagu sii daayey cafis-maxkamadeed.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee Xabsiga la dhigay ayaa waxaa ay xukuumadda Madaxweyne Deni ku eedeeyeen in shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.