Shirkii MD Farmaajo ugu yeeray Madaxda Galmudug oo baaqday

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-kii bishan war saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay lagu shaaciyay shir degdeg ah oo la isugu yeeray Madaxda is khilaafka ee Galmudug, si loo dhex dhexaadiyo, loona xaliyo khilaafka ka dhex taagan.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta oo taariikhda tahay 24 September ka dhaco Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa diiday inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaddib qoraal laga soo saaray xafiiskiisa ayuu ku sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, dhibaatadana laga soo abaabulo Madaxtooyada.

Hase ahaatee garabka uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ee fadhigooda yahay Cadaado, ayaa soo dhoweeyay shirka, isagoo caddeeyay inay ka qeyb galayaan.

Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata in garab walba uu iskiis wadan doono howshiisa, garabka Dusmareeb ayaa beri dooran doona Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug, halka Garabka Cadaado ay 30 bishan dooran doonaan Madaxweyne cusub.

Waxaa weli muuqata in dowladda Federaalku  aanay xal waara ka gaari karin khilaafka Galmudug oo dhowr jeer soo noq-noqday, shirar ka dhacay Muqdishana aan xal rasmi ah looga gaarin.