Shilkii diyaarada ukraine ee lagu hoobtay oo iiraan jalaafo cusub loogu qooli rabo

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Warbaahinta Maraykanka ayaa daabacay in diyaaradii ku dhacday meel ku dhow magaalada Tehran ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo gaarayay 176ruux ay si qaldan u soo rideen ciidamada Iran.

Saraakiil Maraykan ah ayaa u sheegay CBS in ay rumeysan yihiin in diyaarada oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 uu ku dhacay gantaal.

Dowlada Ukraine ayaa hore u sheegtay in ay baarayaan in gantaal uu soo ridey diyaaradan,balse xukuumada Iran ayaa diiday sheegashada.

Burburka diyaarada ayaa yimid saacado yar kadib markii dowlada Iran ay gantaalo ku ridey labo saldhig ay ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq.

Taleefishinka CBS News ayaa ka soo xigtey sirdoon Maraykan ah in muuqaalo la arkay ay muujinayaan in walxo ka firiray gantaal ay ku dhaceen diyaarada laga lahaa dalka Ukraine.

Wargeyska Newsweek ayaa waxa ay ka xigteen Pentagon iyo sirdoon sare oo Maraykan ah iyo weliba sirdoonka CIraq inay sheegeen inay aaminsan yihiin in diyaarada Ukraine ay soo ridey gantaalka lagu farsameeyo dalka Ruushka ee Tor.

Warkan ayaa soo shaac baxay iyadoo dowlada Iran ay sheegtay inaysan oggolaan doonin inay u dhiibto dowlada Maraykanka sanduuqa madow ee codka