Sawirro: Wasiirka Amniga oo Daahfurey habka cusub ee qadashada Basaboorka Soomaliya

Wararka Maanta

Wasiirka wasaarada amniga qaranka Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurey habka cusub ee qadashada Basaboorka Soomaliya oo laga hirgaliyey dalka.

Habkaan cusub ee qadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu hubinayo qaadashada basaboorka, iyada oo la raacayo hanaan isku xiran oo ku salaysan sharciyada iyo xeerarka bixinta Jinsiyadda, Aqoosiga iyo baasaboorka Soomaaliga ah.

Sidoo kale wuxuu wasiirka kormeer guud ku sameyay xaruunta bixinta Basaboorada iyo xaafiisyada maamulka Hay’adda Socddaalka iyo Jinsiyadda, wuxuuna la kulmay shaqaalaha iyo shacabka loo adeegayey, isaga oo su’aalo weydiiyey shacabka sida ay u arkaan hanaanka.

FB_IMG_1492349357169 FB_IMG_1492349364963 FB_IMG_1492349380636 FB_IMG_1492349399840 FB_IMG_1492349407008 FB_IMG_1492349418226 FB_IMG_1492349424882 FB_IMG_1492349431131