Wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta UNICEF ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado, imaanshaha wafdigaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Galmudug shirka 1 bishan Muqdisho ka dhacay uu canaan kala duldhacay hay’adaha Qaramada midoobay, wafdigan ayaa waxa ay kulan kula qaateen Madaxtooyada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo masuuliyiin kale.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii jawaab deg deg ah looga bixin lahaa abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug. Sidoo wafdigaan ayaa xarunta CPD kulan Kula yeeshay wakiilo ka socda Hay’adaha ka shaqeeya deegaanada Galmudug, iyagoo ka wada hadlay sidii deg deg loogu caawin lahaa dadka dhibaataysan, oo kusoo qulqulaya magaalooyinka. Wafdigan ayaa booqday isbitaalka Guud ee Cadaado iyo xerada cusub ee barakacaayasha Karaama.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka jira abaaro, iyadoo roob fiican uusan ka di’in muddo 24 bilood ah, xoola dhaqatada ayaa xoolahooda ula hayaamay deegaanada Somaliland iyo Puntland. Sidoo kale tira badan ayaa ku soo qulqulaya magaalooyinka waaweyn, dadka ayaa kasoo barakacay Abaarta, Alshabaab, sicir barar iyo colaadda deegaanka Xeraale.
Dhanka kale waxaa la filayaa in dhawaan hay’ado kale yimaadaan deegaanka si ay uga qeyb qaataan caawinta dadka tabaaleysan, sidoo kale deeq raashin ah oo gaaraysa 1500 Ton oo ay soo dhiibeen guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha ayaa dhawaan soo gaaraya dekada Bosaaso, mucaawinadaas oo loogu talagalay dadka tabaaleysan. Raashin horey usoo dhiibeen walaalaha Turkiga 2016ayaa la ogeyn halka uu ka baxay.
Madaxda Sare ayaa inta badan ku lug yeesha musuq gargaarka, taas niyadjab ku ridda dadka wax caawinaya.