Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ee fadhiga Galmudug.
Guuleed ayaa waxaa Cadaado la yimid Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir Goobe iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.
C/kariim ayaa kasoo kicitimay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa labadii maalin ee u dambeysay, isagoo ka hor safar ugu maqnaa dalka imaaraatka carabta oo kaga qeyb galay shir qarsoodi ah oo looga hadlayey arimaha doorashada Soomaaliya.
C/kariim Guuleed ayaa la sheegayaa inuu aragti ahaan kasoo horjeedo soo noqoshada Xasan Sheekh Maxamuud oo ay horey saaxiib u ahaayeen.
Comments are closed.