Sawirro: Tababarka Booliska isku dhafka ah oo Galkacyo laga furay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Camey ayaa si wadajir ah xariga uga jaray tabababarka ciidamo boolis isku dhaf ah.

Munaasabadda ayaa waxaa goob ka joog ka ahaa wasiiro labada dhinac ah iyo saraakiil ciidan. dufcada koowaad ee tababarkaan qaadanaysa ayaa gaaraya 50 Askari oo boolis ah oo laga soo xulay ciidamada labada maamul, waxaana la filayaa in tirada la kordhiyo waqtiyada soo socda.

Ciidanka oo noqonaya kuwii ugu horeeyey oo isku dhaf ayaa ka shaqeyn doona nabadeyn iyo xasilinta Galkacyo, waxaana qorshahaan maalgalinaya Qaramada midoobay. Madaxda labada Maamul ayaa bishii Maajo Cadaado ku kulmay iyagoo isku afgartay in arinta Galkacyo nabad iyo Soomaalinimo lagu dhameeyo.

20228834_10207990324194746_3809262360930481927_n20106759_10207990325154770_5548402388075636581_n20228419_10207990326674808_4979689044256936475_n20155710_10207990329114869_3321132423610279095_n20106765_10207990330194896_2988411043341056122_n20106759_10207990325154770_5548402388075636581_n