Sawirro: Maxkamadda Ciidamada oo u fadhiisatay dacwada Dilkii Wasiir Cabbaas Siraaji

Wararka Maanta

Maxkamadda Ciidamada Qalbka Sida ayaa markale u fariisatay kiiska dacwadii la xiriirtay Allaha Unaxariiste Marxuum Ex wasiir, xildhibaan Cabaas Siraaji oo ay dilaan ilaalo la socday hanti dhowrihii guud ee qaranka oo ay golaha wasiirada xilka ka qaadeen dhacdadii dilka marxuumka kadib.
DABLE XOOGGA AXMED CABDULLAHI CABDI CEYDIID, SADAX ALIFLE CIIDANKA ASLUUBTA CUSMAAN SALAAD BARRE iyo waardiyihii wasiirka DABLE XOOGGA BILA KHALIIF CALI ayaa maxkamadda la hor keenay iyadoo sidoo kale maxkamadda la hor keenay saraakiil ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo habeenkii dilka uu dhacayay ku jiray shaqada qaranka , saraakiil booliis ah, gaarahaan qeybta dambi baarista ee CID, kuwaasi oo ay garsoorka maxkamadda ciidamada qalbka sida wax ka weydiiyeen dhacdadii lagu dilay Allaha unaxariiste marxuum x wasiir/xildhibaan CABAAS CABDULLAHI SH SIRAAJI.
Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qaraanada difaacayay eedeysanyaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.
ugu dambeyn gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maantay ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ka soo saaraan garsoorka ciidamada qalbka sida dacwadda la xiriirta dilka Allaha Unaxariiste Marxuum x xildhibaan/ wasriir CABAAS CABDULLAHI SH SIRAAJI oo bishii may ee sanadkan u geeriyooday xabad ay ku rideen ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka.
…………..

FB_IMG_1496654457419 FB_IMG_1496654460452 FB_IMG_1496654463323 FB_IMG_1496654469401 FB_IMG_1496654469401 FB_IMG_1496654466329 FB_IMG_1496654472364 FB_IMG_1496654475487 FB_IMG_1496654478713 FB_IMG_1496654482194 FB_IMG_1496654486256 FB_IMG_1496654489829 FB_IMG_1496654500447 FB_IMG_1496654504021 FB_IMG_1496654507428