Sawirro: Faafaahin Booqashada Madaxweynaha Galmudug ee Cabudwaaq

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo safarkii uu ku wehliyay ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi iyo mas,uuliin ka tirsan laba gole ee maamulka ayaa maanta gaaray  degmada C/waaq ee waqooyiga Gobolka Galagduud.
Ujeedka socdaal madaxweya Galmudug maanta uu ku tegay C/waaq ayaa ah xoojinta maamulka degmada iyo dib u heshiisiinta beelaha ku dhaqan magaaladaas oo  xiliyada qaar maleeshiyaad kasoo kala jeeda uu isku dhac dhaxmaro.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa afaafka hore ee C/waaq waxaa kusoo dhaweeyay maamulka degmada wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan galmudug oo horay u joogay C/waaq iyo qeybaha kale ee bulshada.
Mahad Cumar cilmi oo ah  gudoomiyaha maamulka degmada C/waaq ee Maamulka Galmudug ayaa hadalo isugu jira soo dhaweyn iyo sida ay ugu baahayihiin inay magaaladu amni noqo u jeediyay madaxweynaha iyo wafdigiis,waxana uu sheegay inay ka maamul ahaan ay ka shaqeynanaan nabad gelyada C/waaq.
Ugaaska Waqooyiga Beelaha Gobolka Galgaduud  axmed bare taakow iyo qaar ka mida bulshada rayidka ayaa goobta ka sheegay in xiligaan ay c/waaq u baahantay ciidamo amnigeeda suga si looga gubdo dhacdooyinka amni daro oo xiliyada qaar ka dhaca.
Madaxweynaha Galmudug axmed ducaale geelle xaaf ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeydoono amniga dhamaana tegi doono deegaanada galmuudg oo ay qaarkood xiliyada qaar ka dhacaan dagaal beeleedyado iyo magaalada dhusamareeb  oo hada xarun u ah maamulka ahlu sunna si loo dar dar geliyo dib u heshiisiinta galmudug iyo ahlu sunna.
safarkii ugu horeeyay ee deegaano ka tirsag galmudug  uu madaxweyna xaaf ku tago waxaa uu maanta ku gaaray Degmadac/waaq waxana lagu wadaa in uu la kulmo la qaato odoyaasha dhaqanka iyo maamulka degmada.
Wariye: DAAHIR FAARAX

IMG_4449 IMG_4451 IMG_4453 IMG_4458 IMG_4459 IMG_4472 IMG_4476 IMG_4478 IMG_4482 IMG_4485 IMG_4486 IMG_4487 IMG_4489 IMG_4499 IMG_4501 IMG_4502 IMG_4517 IMG_4522