Loolan Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya ….. Warbixin Xiiso leh.

Wararka Maanta

loolanka-guddoonka-barlamaanka

Waxaa shalay soo idlaaday dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan qabashada jagooyinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa, waxaana isku soo sharaxay siyaasiyiin horey xilal u soo qabtay iyo kuwo ku cusub siyaasadda Soomaaliya, Khudbooyinka Musharixiinta ayaa u badnaa balanqaadyo iyo ismuujin siyaasadeed, waxaana doorashada guddoonka Barlamaanka loo arkaa mid ififaalo ka bixinaysa doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Goormee la dooranayaa?

Sida ku cad jadwalkii ay horey usoo gudbiyeen guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Barlamaanka waxaa la qorsheeyey in Maalinta Arbacada 11 Janaayo 2017 la doorto gudoomiyaha Barlamaanka, halka Maalinta Khamiista 12 Janaayo 2017 la dooran doono gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad.

Musharixiinta u taagaan Gudoomiyaha Barlamaanka

  1. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari
  2. C/rashiid Maxamed Xidig
  3. C/fitaax Maxamed Ibraahim Geeseey
  4. Idiris Cabdi Dhakhtar

Musharixiinta u taagan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Barlamaanka

  1. Jeylaani Nuur Iikar
  2. C/wali Sh. Ibraahim Muudeey
  3. Khaalid Macow C/qaadir
  4. Faarax Sh. C/qaadir Maxamed
  5. Siciid Xuseen Ciid
  6. Khadiijo Maxamed Diiriye

Musharixiinta u taagan Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Barlamaanka

  1. C/qaadir Sh. Cali Baqdaadi
  2. Mahad Cabdalla Cawad
  3. Burhaan Aadan Cumar
  4. Cabdullaahi Xuseen Cali
  5. Xuseen Cabdi Cilmi
  6. C/wali Maxamed Qanyare
  7. Cabdullaahi Goodax Barre
  8. Jamaal Xasan Ismaaciil
  9. Cabdullaahi Cismaan Ducaale
  10. Cilmi Maxamuud Nuur
  11. C/raxmaan Ibraahim Aadan Ibbi
  12. Maryan Axmed Haaruun

Labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo C/llaahi Cismaan Ducaale iyo Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in ay tartanka ka tanaasuleen.

Labada garab ee loolanku ka dhaxeeyo

  1. Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeen 1-aad Faarax C/qaadir, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad C/qaadir Baqdaadi. Garabkaan ayaa taageero ka heysta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cosoble, iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas.
  2. Gudoomiye C/rashiid Xidig, Gudoomiye ku xigeen 1-aad C/wali Muudeey, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Mahad Cawad, Garabkaan ayaa taageero ka heysta Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Guuleed iyo Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Madoobe.

loolanka doorashad guddoonka Barlamaanka ayaa ah mid go’aamin doonto doorashada Madaxweyaha Soomaaliya, waxaan Musharixiinta qaar ka hari doonaan doorashada Madaxweynaha hadii ay Beeshoodu hesho Guddoonka Barlamaanka, dhanka kale labada garab ayaa wada dadaalo farabadan, waxaan saacadaha ka dhiman doorashada dadaal ay ku bixin doonaan sidii loo kasbaan codadka xildhibaanada, waxaana hoteelada Muqdisho ka socda kulamo aan kala joogsi laheyn.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online

www.ceelhuur.com

Facebook

Twitter

Youtube

Tagged