Sawirro: Dowlada oo ka soo saartay Amarro cusub Ammaanka Muqdisho

Wararka Maanta

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha Hay’adda amaanka ee Dowladda ayaa Caawa soo saaray amaro la xiriiro Amaanka iyo go’aano lagu Xakameeynayo dhaq dhaqaaqa Ciidamada Millatariga Soomaaliya.
Warbaahinta ayay goordhow kula hadleen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Go’aanada ka soo baxay Waxaa ka mid ah
1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa talaabo Sharci ayaa laga qaadayaa waana la xirayaa.
2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.
3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.
4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.
5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Luulyo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.
6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

FB_IMG_1497043183582 FB_IMG_1497043011591 FB_IMG_1497043007505 FB_IMG_1497042970098