Madaxweyne kuxigeenka Galmusug Maxamed Xashi Cabdi iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay Xurumo Cusub oo lagu soo kordhinayo Madaxtooyada Galmudug.
Dhismayaashan ayaa waxaa maal galinaya hay’ada hormarinta qaramada midoobay maga ceeda loo soo gaabsho UNDP, dhagax dhigaan ayaa imaanaya iyadoo shalay xariga laga jaray xarumo cusub .
Dhismahaan ayaa waxaa ku shaqeyn doona Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug, xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ku socda howlo lagu balaarinayo, si ay ugu shaqeeyaan inta badan Hay’adaha Dowladda.