Shirka looga tashanayo dhismaha golaha deegaan oo ay yeeshaan degmooyinka Cabudwaaq iyo Hobyo ayaa maanta ka furmay Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug.
Kullan ayaa waxaa daah furay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi, waxaana soo qaban qaabisay wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiirka Arimaha Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Jaamac Xasan Salaad, Madax ka socotay Hay’adaha CRD & SSF, iyo bulsho ka socota labada degmo.
Wasiirka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradiisu dhawaan hordhigin doonta golaha wasiirada Galmudug sharciga dowladaha hoose, ayna horey ugu guuleysteen in ay gole deegaan u dhisaan degmada Galkacyo, halka Degmo Cadaado ay muddo 5 sano ah laheyd gole deegaan.
Hay’adaha ayaa sheegay in hadda wadaan wadatashi sidii labadaas degmo gole deegaan loogu dhisi lahaa, hadii lagu guuleysto arintaas ay wasaaradda kataageeri doonaan sidii dhammaan degmooyinka Galmudug gole deegaan loogu sameyn lahaa.
Bulshada ka socotay degmooyinka ayaa aragtidooda ka dhiibtay goobta, waxa ayna soo dhaweeyeen qorshaha wasaaradu waddo, Golaha deegaanka degmooyinka ayaa ah tiir muhiim u ah shaqada iyo hormarka degmooyinkaas.