Qadar oo ka qeybqaadanaysa Caawinta dhaawicii Qarixii Zoobe

Wararka Maanta

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar Cumar Idriis ayaa bartiisa ku qoray qormadan kooban oo uu kaga hadlayo gargaar walaalaha Qadar ku biirinayaan caawinaada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii 14 bishan ka dhacay isgoyska Zoobe.

Safiirka ayaa yiri :”Waxaan saaka 7:30 aroornimo ku sagootinay eeraboorka militariga ee caanka ah (Al-Cudeyd) diyaaradaha militariga Qatar ee xamuulka waaweyn mid ka mid ah, nooca loo yaqaano C17 waxayna Xamar ka degi doontaa 12ka duhurnimo maanta, taasoo sidday 2 tan dawooyin ah, 36 sariirood oo dusheeda ku rakiban oo loogu tala galay in lagu daad gureeyo dhaawaca ay xaaladahoodu darantahay isbitaallo ku yaallo dalka Sudaan si halkaas loogu daweeyo, kharashka ku baxaya oo dhanna dowladda Qatar ayaa bixinayso. Waxaa kaloo la socda 30 qof oo isigu jira, shaqaale caafimaad, badbaadinta degdegga ah, iyo hagayaasha diraadda. Berritona Khartoum ayey ka soo duuli doontaa oo ay Muqdisho ka qaadi doontaa 36 qof oo kale”.

Qadar ayaa noqonaysa dowladii saddexaad ee si mug leh uga qeyb qaadata gurmadka loo fidinayo dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho. waxaana ka horeyey dowladaha Turkiga iyo Jabuuti.