Sawirka iyo magaca mid ka mid ah ragii isku qarxiyey Kulbiyow

Wararka Maanta

Warbaahinta gudaha ee dalka  Kenya ayaa sheegtay in mid ka mid ah Raggii isku Miidaamiyay Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka dowladda Kenya ee degaanka Kulbiyow uu ahaa nin u dhashay dalka kenya.

Ninkaan ayaa darawal ka ahaa mid ka mid ah Saddex Gaari oo la sheegay in ay isku qarxiyeen xerada ciidanka dowladda Kenya ee degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

IMG_20170214_082548

Anwar Yogan Mwok ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa ninkii isku qarxiyay ,islamarkaana uu ahaa muwaadin Kenyaan ah oo Al-Shabaab ka tirsan .

Sidoo kale ninkaan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ay baadigoobayaan ciidamada Ammaanka dalka Kenya , islamarkaana lacag badan 2 million shilinka Kenya ah la dul dhigay Madaxiisa.

Waxaa uu ku dhashay degaanka goboleedka lagu magacaabo Siaya 1981 , waxaana uu ahaa Karistaan , ka dibna waxaa uu qaatay diinta Islaamka , asagoona Shabaab ku biiray Sanadkii 2013.