Sarkaal XDS oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir dilka waxaa geesteyn rag ku hubeysnaa Bastoolado, waxayna dileen marxuunka xili uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla Wadajir.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Yarami, waxaa uu kamid ahaa Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya ee dalka Turkiga lagu soo tababaray.

Laamaha Amaanka ee Dowlada ayaa wali ka hadal dhacdadaan, sidoo kale Maahan markii ugu horeeysay oo ay dhacdo nuucan oo kale ay muqdisho ka dhacdo.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka sarkaalkan.