Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalada Wadooyinka Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax.
Kooxda toogashada geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen,  waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.
Todobaadkii hore ayaa Gaalkacyo lagu dilay Xuseen Cabdille oo horey u  soo noqday masuul ka tirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo  iyo ku-xigeenka Duqa magaalada, ahaana Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee  wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.
Hay’addaha Amaanka wali kama aysan hadlin dilalka saraakiisha Puntland ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada.