Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Marka

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose si uu kulamo gaar gaar ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay  in Sidoo kale Madaxweynaha uu waqti la qaadan doona Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe.

Ciidankan ayaa hawlgalo Ururka Al-shabaab looga sifeynayo ka wada qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.