RW Kheyre oo Dhuusamareeb kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaalada soo gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay booqashada waqtiga dheer qaadatay ee  uu Ra’iisul Wasaaruhu ku joogo  Galmudug, Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalintii 29-aad ku sugan Galmudug, waana waqtigii ugu dheeraa ee Masuul sare ku sugnaado deegaanada Galmudug. Kheyre ayaa wajahaya culeys iyo diidmo kaga imaanaysa Beelaha Galmudug. waxaana beeluhu saluugsan yihiin habka Kheyre u wado howsha dhismaha Galmudug.

Kheyre ayaa isbahaysi la sameystay ururka Ahlu Sunna isagoo dhabarka u jeediyey beelaha dhistay Galmudug, waxaana laga dhursugayaa natiijada isbaheysiga Xukuumadda Nabad iyo Nolol iyo ururka Ahlu Sunna.