Raysul wasaare Khayre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo ku aadan hannaanka loo dhisayo maamulka Galmudug oo ay isku khilaafsan yihiin Ahlusuna iyo dowladda Federaalka.

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Dhuusamareeb ayaa timid, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay magacawday Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug, halka Maamulka Ahlusuna ay ka soo horjeesteen, waxaana ay magacaabeen Guddi kale.

Kulamo iska soo horjeeday iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo labo dhinac ah ayaa ka jiray magaalada Dhuusamareeb labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana wararku sheegayaan in dowladda iyo Ahlusuna ay ciidamo soo geliyeen magaalada, taasoo dadka deegaanka ay cabsi gelisay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in maalinta berri ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo maanta ay wafdi horudhac u ah ay magaalada gaari doonaan.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb ayaa noqonaya kii saddexaad uu ku tago, tan safarkiisii bishii June ku tagay magaaladaas iyo deegaano ka tirsan Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidamo fara badan ku daabuleysay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dhowr diyaaradood looga qaaday Muqdisho.