Ray’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Sheegay in lagu dhawaaqayo Xisbi uu hugaaminayo Farmaajo

Wararka Maanta

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaaddo illaa 7 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo horay isku diiwaan-geliyay, taasoo rasmi ka dhigtay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo badan kadib 48 sano.

Mahdi Maxamed Guuleed Ray’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabadda Shahaadooyinka lagu sii nayay Xisbiyada ayaa Sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono Xisbi ay Hugaaminayaan Madaxda ugu Saraysa dalka sida Madaxwayne farmaajo iyo Ray’iisul Wasaarihiisa Khayre waxuuna Xusay in Xisbigaas uu asagu xitaa ku jiri doono.Madaxda hada Talada haya ayaa doonaya inay Xisbigaas ay ku Midoobayaan kaga qayb qaataan doorashada soo socota

Hadaba, waxaan idiin u soo gudbineynaa magacyada axsaabta shahaadada la siiyay, guddoomiyeyaashooda iyo xarunta.

Halkan Ka Akhriso

  1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

  2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho.

  3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho.

  4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga,  Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho.

  5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed , waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe

  6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed , Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden

  7. Xisbiga Horumarinta; Suleymaan….lama yaqaano

Axsaabtan shahaadada la siiyay waxaa ay horudhac u yihiin kuwoo badan oo sugaya in la siiyo shahaado iyo qaar kale oo aan weli diiwaan-gelin, waa tilaabo loogu dhawaanayo in Soomaaliya ka guurto qaabka qabaliga ah oo u guurto in dadka isku baheystaan qaab fikir iyo aragti ah iyo doorashada 2021-ka noqoto mid axsaab.