Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta xariga ka jaraya mashaariic laga fulinayo Jubbaland

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ku hoyday Magalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka qeybgalo munaasabad xariga looga jarayo mashaariic deegaanada Jubbaland uu ka fulinayo Midowga Yurub.

Munaasabada ayaa waxaa lagu qabanayaa guriga Martida ee Magalada Kismaayo,waxaana goobjoog ka noqon doona, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland, wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Wasiirada qorshaynta Jubbaland, Puntland, Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Mashaariicdaas ayaa waxaa hirgelinaya Midowga Yurub, iyada oo laga fulinayo dhamaan dalka Soomaaliya oo dhan,waxaana ay ka koobnaan doontaa Saddex qeybood oo kal ah xasilinta iyo dowlad wadaaga, Dhismaha iyo taageerida Golayaasha deegaanka iyo tayeynta nolosha iyo Shaqa abuurka Dhalinyarada.