Qoor-Qoor iyo Saraakiil imaaraat ah oo kulan ku yeeshay Nairobi

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo galabta safar qarsoodi ah ku tagay Nairobi ayaa caawa fiidkii kulan la qaatay Saraakiil sare oo ka tirsan Imaaraadka Carabta, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayo kulankan.

Xogta ayaa sheegaysa in kulankan uu ka dhacay Hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana Qoorqoor uu la kulmay Saraakiil uu horkacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah Sii Hayaha Safiirka  Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in safarka degdega ah ee Madaxweyne Qoorqoor galabta ku tagay Nairobi uu shaki weyn dhaliyay, isla markaana soo if bixiyay qorshe cusub oo Galmudug jiho cusub u qaadeyso.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya inay jirtay balan horay u taallay labada dhinac oo ahaa inay isku arkaan Jabuuti, hase ahaatee Imaaraadka Carabta ka cudur-daarteen, isla markaana kulanka la isla gartay inuu ka dhaco Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Galmudug Axmed Qoorqoor uu muddooyinkii u dambeeyay taageero ka raadinayay Imaaraadka Carabta, waxaana fiilada isku xireysay uu ahaa Ganacsade Liibaan Tahliil oo la sheego inuu ku jiro ragga fara ku tiriska ee xiriirka tooska ka heysta Dulaaliinta Imaaraadka Carabta.

Taageerada Imaaraadka diyaarka ula yahay Galmudug-ta uu hoggaamiyo Qoorqoor ayaa isugu jirta tababarro iyo qalab ciidan, dhisme mashaariic iyo taageero dhaqaale, waxayna Galmudug raadineysaa cid u maalgelisa Dekadda Hobyo oo qorshihii dalka Qatar ku dhisi lahaa aanu soo muuqan.

Inuu Imaaraadku xilligan kala guurka si awood leh usoo galo siyaasadda Soomaaliya ayaa halis ku keeneysa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maamul Goboleed kale laga hoos bixinayo, sida ku dhacday Puntland iyo Jubbaland, waxaana arrintan loo arkaa in Galmudug ay jiho cusub qaadi doonto, iyadoo qorshaha Imaaraadka sida lama filaanka ah ugu dejiyey Galmudug uu yahay mid kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo Madaxweynaha Soomaalida uu cadaadis badan saaran yahay.

Dhinaca kale Kulanka Magaalada Nairobi ku dhex maray Axmed Qoorqoor iyo siyaasiga C/kariin Guuleed ayaa la xaqiijiyey inuusan wax lug ah ku lahayn safarka Madaxweynaha Galmudug, isla markaana C/kariin Guuleed aanu ka warqabin imaanshaha Qoorqoor ee Nairobi, balse laga dhigay arrin weyn si loogu qariyo arrinta rasmiga ah ee ka dhex socota Imaaraadka iyo Galmudugta Axmed Cabdi Kaariye.

Xigasho: Jowhar.com