QM oo sharciga la tiigsaneysa Jaamacad adeegsatay Astaanteeda

Arimaha Bulshada Wararka Maanta WAXBARASHADA

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto koox isticmaashay magacooda iyo astaantooda, kuwaasi oo ka hawlgala gudaha Soomaaliya.

Akhriso war-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya:

“Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.”