Qaraxyo ka dhacay garoonka diyaaradaha Buuloburde

Wararka Maanta

Wararka ka imaanayo Garoonka diyaaradaha degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in manta halkaasi ay ka dhaceen qaraxyo nuuca dhulka lagu saaso.

ilaa sadax qarax oo miinad dhulka lagu aaso ah ayaa lagu xira hoolka nasashada loogu tala galay ee Garoonka diyaaradaha degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan kaasi oo dhawaan la dhisay.

Majirto wax khasaaro dhimasho iyo dhawac ah oo ka dhashay qaraxyada, madaama ay dhaceen Waabarigii hore ee saakay .

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay baaritaano ka wado Garoonka diyaaradaha Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, majirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamaa Dowlada Soomaaliya.

Isha: Shabelle Tv

Aragtidaada ka dhiibo