Qarax Khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Qarax khasaare geystay ayaa maanta Ka dhacay  Isgoyska Black Sea ee Magalada Muqdisho, Qaraxa ayaa ka dhacay  Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, hayeeshee weli aan la shaacin nooca qaraxa, iyada oo laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

labada ruux oo ku geeriyootay qaraxaan ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in mid ka mid ah uu ahaa Shaqaalaha shirkadda walow Maamulka uusan weli ka hadlin qaraxa la sheegay in uu ka dhacay Xarunta Shirkadda.

Shirkadda Somtel ayaa ka mid ah shirkadaha hoostaga Dahabshiil Group, waxaana dhawaan kooxda Daacish soo saartay digniin ku wajahan Shaqaalaha Dahabshiil Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay

Weli macada nooca uu ahaa qaraxaasi iyo in goobta la dhigay iyo in kale,waxaana halkaasi baaritaano ka wada qaar ka mid ah hay’adaha Amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.