Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa goordhow ka dhacay Isgoyska Howlwadaag qarax miino oo sida la sheegay la geliyay maqaayad ay fariistaan ciidamada dowlada.

Qaraxa oo ay ka war heleen ciidamada ayaa la sheegay xilli, ay isku dayaayeen ciidanka inay qarxiyeen inuu halkaasi ku qaraxday Miinada.

Wararka waxa ay sheegayaan in wax Khasaare ah uusan ka dhalan qaraxaasi, maadaama ciidamada ay wadada xireen, dadka shacabka ahna ka fogeeyeen goobtaasi.

Ciidamada ammanka oo goobta hada ku sugan, ayaa wada baaritaano kale oo ku aadan in waxyaabo qarxa ay meeshaasi ku sii jiraan.

AlShabaab ayaa muddooyinkaan dambe bilaabay qorshe cusub oo ku aadan in waxyaabaha qarxa ay galiyaan goobaha ay fariistaan ciidamada, iyadoo maalmo ka hor garaash ku yaalo Nawaaxiga Xaafada Black Sea oo ciidamada dhawaan ay la wareegeen la geliyay waxyaabaha qarxa, qaraxaasi oo Khasaare geystay.