Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah goor dhoweyd ka dhacay Koontaroolka Siinka Dheer, halkaasoo ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga uu ku qarxay goob lagu diiwaan geliyo gaadiidka soo galaya Muqdisho. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku shaaciyay in weerar ismiidaamin ah ay la beegsadeen koontarool Ciidamada Nabadsugida ku sugnaayeen, ayna ku dileen 20 askari.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxan, sidoo kale waxaa jiray qarax goor sii horeysay laga maqlay agagaarka deegaanka Carbiska, kaasoo la sheegay in ciidamada ammaanka ay qarxiyeen.

Qaraxa ayaa ku soo aadaya, xilli saaka la xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo heegan iyo feejignaan sare la geliyay ciidamada ammaanka, kaddib markii la helay digniino ku aadan weerar suurta gal ah in Al-Shabaab ka fuliso gudaha Muqdisho