Qaar kamida masuuliyiintii ka qayb gashay caleema saarkii axmed madoobe oo Muqdisho dib ugu laabtay

Wararka Maanta

Qaar ka mid ah siyaasiyiintii ka qeybgashay caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed madoobe” ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Siyaasiyiin ayaa ka mid ahaa xubnihii ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa magaalada Kismaayo wweli ku sugan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni yo Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed.