Paris Saint-Germain Oo Dooneysa Zinedine Zidane Inuu Bedelo Unai Emery.

Ciyaaraha

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay qeexday Zinedine Zidane inuu bedeli karo Unai Emery.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan  horaantiisa ku bilowatay qaab ciyaaeed xun, taaso eentay in Zidane shaki la galiyo mustaqbalkiisa kooxda ku ciyaarta Bernabeu.

Inkastoo Emery uu ku guuleystay 79 kulan 100 kulan oo uu saftay Parc des Princes, macalinka reer Spain ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Ligue 1 sida laga soo xigtay Marca, PSG ayaa xiiseyneysa Zidane.

Halyeeyga reer France ayaa lagu tilmaamay inuu yahay riyada PSG , waxaana ay u badan tahay inay kooxda hishiis la galaan hadii 45 jirkaan uu diyaar noqdo bilaha soo socda.

PSG iyo Real ayaa haatan isku wajahaya wareega 16ka Champions League, iyadoo Real ay 3-1 kaga badisay lugtii hore .