Odayaasha dhaqanka Somalia oo War kaso saaray Xaalada Dalka

Wararka Maanta

Odayaasha 135-ta Oday ee soo xulay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah Duubabka Qaranka Soomaaliyeed intooda ku sugan Gobolka Banaadir oo ka kulmay xaalada amni ee dalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen muhiimadda ay leedahay xasilinta amniga dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Odayaasha dhaqanka ayaa si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan oo qiimo u lahaa Qaranka Soomaaliyeed lagu laayay.

 

Odayaasha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka Wadatashiga Dowladda dhexe iyo Maamulada ee 29 bishii tagtay ee October ka furmay Muqdisho waxayna Madaxda ugu baaqeen Midnimo iyo wadajir.Waxay Qoraalkooda kula hadleen Beesha-Caalamka.QM.Midowga Yurub.IGAD.Midowga Africa Jamacada Carabta iyo Wadamada islaamka Waxayna ugu baaqeen inay xoojiyaan Kaalmada JFS Soomaaliya ayagoo Mideynaya Kaalmada ay Ku bixinayaan Arimaha Amniga Soomaaliya.

 

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Ceelhuuronline