Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay xubin la sheegay in uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab haddana uu ka mid yahay Kooxda Daacish.
Ciidamada Booliska ay waxa ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeynayo in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in gacanta lagu soo dhigay xilli uu ku howlanaa aaska Miino dhulka la galiyo.
Eedeysanaha oo Warbaahinta la hadlay sheegay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish horayna uu uga tirsanaa Al-Shabaab.