Nayroobi: Hoteelkii Al-shabaab ay weerareen oo la shaaciyey xilliga dib loo furi doono

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay waqtiga la filayo in dib loo furo hotelkii Al-Shabaab ay weerareen bartamihii bishii Janaayo ee sanadkaan.

Weerarkaasi ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay inay ku dhinteen ku dhawaad 21 ruux oo lix kamid ah la sheegay inay kamid ahaayeen shaqaalaha iyo ilaalada hotelka Dusit oo ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Maamulaha guud ee hotelka Misheel Metakas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo hotelka dib loogu furayo si markale uu u qaabilo macaamiishiisii, isaga oo sheegay in amaanka la adkeyn doono.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay inay kaga fal celinayeen aqoonsigii madaxweyne Trump Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda maamulka Yahuuda.

Dhinaca kale kooxda Sirdoonka SITE oo fadhigoodu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in amarka weerarkaasi uu bixiyay hogaamiyaha Al-Qaacidda Ayman Al-zawaahiri.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ayman Al-zawaahiri si toos ah ugu baaqay Alshabaab inay weerareen danaha Reer Galbeed, si looga fal-celiyo hadalkii Donald Trump ee uu ku sheegay inay magaalladda Barakaysan ee Qudus-ta La-tahay tahay waxa u uugu yeeray caasimadda Yuhuudda.