Muqdisho:Toogasho ka dhacday Degmada Hiwliwaa

Uncategorized

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa maanta xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ku dilay Nin magaciisa lagu soo koobay Jeeri, kaas oo ka mid aha dadka deegaanka.

Goobjooge ayaa sheegay in marxuumka la toogtay, xilli uu ku sugnaa Maqaaxi ku taalla xaafada suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Waxaana uu tilmaamay in Rag ku hubeysnaa bastoolado ay dilkaasi fuliyeen, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen,  kuwaasi oo howlgallo ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Hiliwaa oo ku aadan dilkaasi.

Balse waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo toddobaadyadii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Ceelhuur.com kala wixii kusoo kordha insha allah