Muqdisho Askari iyo qof Shacab ah oo xalay lagu dilay Dharkeenley

Wararka Maanta

Kooxo hubeysan ayaa abaarihii maqribkii ku dilay degmada Dharkeenley labo ruux oo mid ka mid uu ahaa askari, halka midka kalena uu ahaa shacab.

Kooxda dilka geystay oo ka koobnaa saddex ruux oo bastoolado watay ayaa toogtay labada nin, iyagoo markii dambe goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay horay u qaateen qori AK47 uu watay askariga la dilay.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxaana ay sameeyeen baaritaan aanay ugu suura gelin inay ku soo qabteen dableydii dilka geysatay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninka sarifaha ee la dilay uu caan ka ahaa degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, waxaana lagu magacaabi jiray Jeeri.

Degmada Dharkeenley ayaa waxaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacayay dilal qorsheysan, waxaana dadka maalmihii la soo dhaafay lagu dilay illaa 10 ruux.